Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay sababaha ay ku diidan yihiin dastuurka DFKM(Dhageyso)
May 17, 2012 - Written byGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ay ku diidan yihiin Dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM kaas oo khilaaf ka dhexabuuray DFKM iyo Puntland .
Madaxweynaha Puntland ayaa wareysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in DFKM ay ka baxday heshiiisyo ay saxiiday sida Garoowe1-2 ,shirkii Muqdisho lagu qabtay iyo shirkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in la tixgaliyo heshiiskii 2004 kaas oo dhigayey in dowlada Soomaaliyeed ay noqoto mid Federaal ah.
Saxiixayaasha heshiiska Road-mapka ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ku shiraan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimo ku saabsan dhamaystirka Dastuurka qabyo qoraalka iyo awood qeybsiga.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa sheegay in uu u tagayo magaalada Addis ababa halkaas oo shir loogu qabanayo Saxiixayaasha heshiiska Road-mapka oo kala ah DFKM ,Puntland,Galmudug iyo Ahlusuna.
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/1rbu4x97qs/dastuur.mp3]
A/Cawale
Halgan.net