Puntlland iyo Gal-mudug oo aqbalay in ay ka qayb galaan shirka Turkiga
May 30, 2012 - Written byMadaxweynaha Puntland iyo Gal-mudug iyo wafdi ay hogaaminaya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u duulaan dalka Jabuuti oo ay kaga sii gudbi doonaa magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga. Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo madaxweynaha Gal-Mudug Maxamed Axmed Caalin ay si rasmi ah uga qayb geli doonaa shirka RoadMapka ee ka furmaya dalka Turkiga oo ay maalmo ka hor ay shaaciyeen in ay qaadaceen iyagoo ku sugan dalka Itoobiya
Madaxweynaha Puntlland Dr C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ay wadahadalo iyo xiriiro kale duwan ay la sameeyeen wasaarada arrimaha dibada ee dalka Turkiga iyadoo ay arrin kaas ay fududaysay safaarada dalka Turkiga ay ku leedahay Dalka Itoobiya ayna hadda ku qanceen in ay ka qayb galeen shirka ka dhacay Turkiga si buu yiri aan si toos ah dowllada Turkiga ugala soo hadalno arrimaha siyaasada ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntlland iyo Gal-mudug oo waraysi gaar ah siiyey idaacada BBC-da ayaa waxaa ay sheegeen in Puntlland iyo Gal-mudug ay ka qayb galayaan shirka Turkiga xubnihii ka soo qayb gali lahaan ilaa maanta iyo beri laga soo qaadi doono magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,Boosaaso.
Dowllada dalka Turkiga áyaa tiro go’an oo casumaad ah u dirtay Madaxda Puntlland iyo Gal-mudug ,Issimo ,Ganacsato ,bulshada rayidka ah si ay uga soo qayb galaan shirka RoadMapka ah iyo weli shirar kale oo looga hadli doono arrimaha dhaqaalaha iyo mashaariicda ay doonayso dowllada Turkiga in ay ka fuliso Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net