Shirkii Golaha Wasiirada ee DFKM oo lagu qabtay Muqdisho (Warsaxaafadeed)

May 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Heshiiskii Addis Ababa ee Madaxda Soomaalida, Howlgalka Ciidamada Dowladda ee ku wajahan Afgooye, arrimaha amniga, Shirkadda Hormuud iyo arimo kale.

Ugu horeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Shirkii Madaxda Soomaalida ee xalay ku soo gabogaboobay magaalada Addis Ababa oo go’aanno muhiim ah oo waqtiyeysan ay Madaxda Soomaalida isla gaareen si loo dhameystiro qorshaha Roadmap-ka oo la dhameystiro xilliga KMG ah 20ka August 2012. Golaha Wasiiradda ayaa si qoto dheer uga hadlay go’aanada iyo sida loogu baahanyhay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiraddu waxey soo dhoweeyeen go’aanaddaas dhaxalgalka ah ee Soomaalidu isku raaceen kana codsaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan oo ay gacan buuxda ka geystaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa marxaladdan adag. Wasiiru Dowlaha Dastuurka ayaa sheegay in Madax dhaqameedkii ay guda galeen howlahoodii soo xulinta Ergeda Ansixinta Dastuurka oo ay meel fiican mareyso.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Golaha Howlgallo militari oo maalmahan ka socday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ujeedadu aheyd sidii kooxaha nabad-diidka ah looga saari lahaa goobahaas si shacabku ay u helaan ammaan iyo kala danbeyn dhameystiran si ay hay’adaha gargaarka ah ugu gar-gaaraan shacabka.

Golahu waxey ku ammaaneen ciidanka XDS iyo AMISOM guulaha is-daba-jooga ah oo ay kooxaha nabad-diidka ah uga xorreynayaan dalka. Golahu waxey kaloo ku ammaaneen ciidanka sida loo bad-baadiyey shacabka oo looga baaqsaday in Ceelasha dagaalku ka dhaco oo kor labo meelood laga soo galay. Waxeyna Golahu ka codsadeen Hay’adaha Gar-gaarka in shacabka si deg-deg ah loola soo gaaro gurmad gar-gaar.

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Degedaha ayaa ka warbixin ka bixiyay sababaha ay diyaarada Turkish Arlines uga soo dege weyda goroonka diyaaraha Muqdisho labadii Usbuuc ee la soo dhaafay sababtu ay u soo dege weyday waxey tahay cilad hawada iney jirtay wasaaraduna ku howlan tahay sidii xal loogu heli lahaa balse todobaadyada soo socdo ay soo degi doonto.

no images were found

Ugu danbeyntii golaha wasiiradu waxey tacsi u direen dowladda iyo shacabka turkiga oo xalay nin Turki ah oo ganacsade ah lagu dilay suuqa bakaaraha. Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan arrinkan la xiriirta si loo oggaado sababta keentay dilka ama sababta ninkan uusan u soo wargelinin hay’adaha amniga joogistiisa suuqa bakaaraha.

DHAMAAD
Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication
direct office of the PM

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online