Taliska ciidanka AMISOM oo warsaxaafadeed ka soo saaray sarkaal ay dileen Al-Shabaab
May 15, 2012 - Written byMuqdisho:-Taliska ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta warsaxaafadeed ka soo saaray sarkaal ay soo bandhigeen shalay Al-Shabaab kaas oo ay sheegeen in ay dileen talaadadii la soo dhaafay ,Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Maj. Emannuel Bizimana uu ku dhintay dagaal ka dhacay Degmada Dayniile 20-kii Oktoobar 2011.
Ururka Al-shabaab ayaa shalay soo dhigay Bog ay ku leeyihiin Twitter waxay ku sheegeen inay dileen sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada AMISOM kaas oo lagu dilay weerar qorsheysan oo dhacay habeenkii talaadada ee la soo dhaafay taas oo ay diideen ciidamada AMISOM .
Warsaxaafadeedka ka soo baxay maanta taliska ciidanka AMISOM ayaa waxaa u qornaa sidan “Maj. Emannuel Bizimana waxaa la dilay 20-kii Oktoobar 2011, xilligaasoo ay ciidamada Burundi howlgal ka sameynayeen degmada Dayniile,”
Ciidamadamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa waxaa looga dilay 76askari dagaalo ka dhacay Degmada Dayniile bishii 10aad ee sanadkii 2011 waxaana laga dhaawacay 110askar oo kale .
Warmurtiyeedka ka soo baxay maanta taliska AMISOM ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah gaadiidka dagaalka uu shalay shil ku galay deegaanka Nuur-Aduunyo ee degmada Dharkeynley wuxuuna dhaliyey shilkaas khasaaro soo gaaray guri ku yaal Degmada Dharkeynley
C/Casiis Maxamed
Halgan.net