Warsaxaafadeed ay soo saareen Puntland Galmudug oo ay ku diideen shirka Istanbul (akhriso+Dhageysi)

May 27, 2012 - Written by

Adis Ababa:-Puntland iyo Galmudug ayaa waxay soo saareen warsaxaafadeed ay ku cadeynayaan mowqifka ay ka taagan yihiin shirka Istanbul 2 kaas oo ka dhici doona dalka Turkiga ,warsaxaafdeedka ayaa waxaa kale uu ka hadlay safarka qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ay ku aadeen dalka Turkiga.

Nuqul ka mid warsaxaafadeedka ayaa soo gaaray Halgan.net kaas oo u qornaa Sidan .

27-05-2012 Puntland iyo Galmudug  waxay ka noqdeen ka qeybgalkii Shirka Istanbul 2 ee Soomaalida .

Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxay ka noqdeen qorshihii safar ee jamhuuriyada turkiga .halkaas oo lagu wado in uu ka dhaco shirkii Istanbul2 ee Soomaalida 31 May 2012-Jun 2012.

Go,aankaasi waa mid mabda`eed,ka dib markii Puntland iyo Galmudug ay u cadaatay in dowrka Turkiga ee Soomaaliya uu yahay mid aan :
A:-(isu dheelit irneyn  B.(Mid diidan la Tashiga dadka Soomaaliyeed. C(Mid Siyaasadeysan.kuna xiran Siyaasado wadamo Shisheeye.D(Mid aan si cad u Muuqan .si shacabka Soomaaliyeed ay u qiimeeyaan:

Puntland iyo Galmudug.

1. Markaanu Qiimeynay Geedi socodka Heshiisdkii Tubta nabada (Road

Mab), Mabaadi`dii Garoowe I &II ,Mabaadi`dii Gaalkacyo,iyo Bayaankii dhawaa ee Adis

Ababa 23kii May 2012,ee loogu socday howsha tubta nabada iyo Dastuurka;

2. Markaanu Qiimeynay wakhtiga Kooban ee ka haray xilga kala guurka  ee 20ka August

2012;

3. Markaanu U fiirsanay Jahwareerka ku xeeran ujeedada loo qaaday Odayaasha  Dhaqanka

Shirka Turkiga iyo Maamul xumida  Safarka odayaal dhaqameedka ;
4. Markaanu aragnay Go,aanka u gaarka ah Turkiga iyo sida uu u maareeyey ururada

bulshada ee shirka loo qaaday isaga oo aan la tashan dadka Soomaalida ,Saxiixayaasha

Road Mabka iyo Maamuladooda;

5. Markaan U fiirsanay Welwelka ay qabaan wakiilada Masuulinta Soomaaliyeed ee

TFG ,Puntland .Galmudug iyo Ahlu Suna kuwaas oo dhamaan cadeeyey in aysan heyn

xog waafi ah ee la xiriirta ujeedada Shirka Isytanbul iyo Ajandayaashiisa ;

6. Ka Dib Markaan aragnay xaalada Maamul xumida iyo faragalinta lagu sameeyey

doorashada odayaasha Dhaqanka soomaaliyeed ;iyo
7. Ka dib markaan u fiirsanay ka maqnaashaha dowrkii Puntland iyo Galmudug shirka

Istanbul 2 ee Soomaalida ;

Puntland iyo Galmudug waxay ka noqdeen ka qeybqaadashada Shirka Istanbul 2 ee Soomaaliya ,maadaama uu shirka uusan ahayn howl ay soomaalidu leedahay ,Ujeedada iyo Ajandaha Shirkana uu yahay mid qarsoon,shirkana ay ujeedadiisu tahay in uu leexiyo dhamaan heshiisyadii horey loo gaaray uuna wado qorsho cusub oo hada bilaaw ah ,uu u wado Soomaaliya,kaas oo aan la aqbali karin.

Warxafadeedka oo ku qoran luqada Englishka Halkan ka Akhriso

Warsaxaafadeedka waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Wareysi ay BBC-da la Yeelatay Madaxweynaha Galmudug iyo Puntland
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/95qai3w4bp/diidmo.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online