Xukuumadda Soomaaliya Maxay Qabatay? Iyo Caqabadaha Hortaagan

May 2, 2012 - Written by

Haya’adda kaliya ee la qiimayn karo waxa ay qabatay iyo caqabadaha soo foodsaaray waa xukuumadda (Ra’isul wasaaraha iyo wasiirada Soomaaliyeed) .Waqtiyadaan dambe waxaa isa soo taraya in xukuumadaan ay tahay “Badbaado”.  Dad badan ayaa aaminsan in xukuumadda uu hogaaminayo Prof.  Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay qabatay hawlo badan oo muhiim u ah umadda soomaaliyeed. Haddii la barbardhigo xukuumadihii ka horreeyay waxaad dareemaysaa farqiga u dhexeeya. Dadka Soomaalininadu ku weyn tahay waxay aaminsan yihiin in Dhibaatada Soomaaliya ku raagtay looga bixi karo haddii la helo dad team ah oo sida xukuumaddaan u shaqeeya, sidoo kale dad badan ayaa aaminsan in xukuumaddaan la siiyo fursad ay Soomaaliya uga saaraan dhibaatdaaan.  Masuuliyiinta wax la taaban karo qabtay ayaa lagu aamini karaa mustaqbalka Soomaaliya.

Maxay ku guulysatay xukuumadda Badbaado ?

Waxay ku guulaystay:

  1. In loo shaqeeyo qaab xirfad ku salaysan (professionalism) meeshana laga saaaro qaabkii qabiilka, waqtiyadii hore waxaa dhici jirtay in loo shaqeeyo  qaab qabiil, waana adkayd in la kala saaaro shaqada uu wasiirku u hayo dawladda iyo tan uu qabiilka  u hayo . Badbaado waxay ku guulaysatay  inay qaabkaas ka gudubto isla markaasna wasiir kasta lala xisaabtamo
  2. Dhaqan galinta waxkasta oo Soomaalidu ku heshiiso, sida Road map-ka ,  waxaa intaas dheer in markasta lagu fakaro in hawaha lagu qabto waqtiga loogu talo galay (deadline-ka)
  3. Badbaado  waxay ku guulaystay in arrimaha loo kala hormariyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, waxaa ahamiyadda koowaad la siiyay  amniga iyo xoraynta dhulka ku jira gacanta kooxaha xag jirka ah, waana arrinta keentay in markii ay dawladdu magaalo qabsado ay gacanteeda kusii jirto waayo inta aan la qaban ayaa laga fakaraa tilaabada  qabashada xigta. Xukummadihii hore waa ku fashilmeen arrintaan, waxaa lawada xusuustaa iyada oo dawladdu intay subixii meel qabsasto  ay galabtii dib uga soo baxdo
  4. Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay degaanada laxoreeyay gacan ku siiso sidii loogu samaysan lahaa maamulo ay dadka deegaanku soo doorteen
  5. In la xoojiyo maamulada hadda ka jira Soomaaliya, waayo in Soomaali weyn la helo ayay ka mid tahay in degaamada maamulada iyo kala dambayntu ka jirto ay dawladdu gacan siiso
  6. Xukuumaddu waxay ku guulaystay  inay wadatashi la yeelato dhammaan qaybaha bulshada  waxaa lagu guulaystay in qaybaha bulashada dhamaantood lala tashado oo waliba la siiyo tixgalin dheeraad ah, sidoo kale ururo diimeedyada aan xag-jirka ahayn xukuumaddu waxay siiyay fursad lagu wada hadlo iyo qaab ay dawladda ula shaqeeyaan , waxaad arkaysaa Ahlu Sunnah wal-jamaaca oo fidhiya shirkasta oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waana tilaabo ay ku guuldaraysateen xukuumadihii ka horreeyay xukuumadaan
  7. Xukuumaddu waxay ku guulaysatay  inay dawladaha Soomaaiya dariska la ah ay ku qanciso in hawlgalada ay Soomalida gacanta ku siinayaan ay noqdaan kuwo  midaysan ama ku socota qorshe, waxay xukuumaddu dadaal badan u gashay in Uganda, Burundi, Itoobiya  Jabuuti, iyo Kenya loo sameeyo qaab midaysan oo ay ku wada shaqeeyaan. Xukumaadiihii hore uma suurtogalin inay mideeyaan hawlgalada milatari
  8. Dawladaha reer galbeedka oo ay isla jaanqaadeen dawladda Soomaliya. Maadaama ay wasiiradu u badan yihiin dad aqoon leh, waxay xiriiro badan la sameeyeen adduunka iyaga ku qancinaya in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay tahay mid caalami ah ee ayan ahayn mid Soomaaliya kaliya ku kooban isla markaasna ay dhibaatadaan si degdeg ah u faafi karto haddaan dhakhso looga hortagin,. Shirkii London ayaa tusaale fiican u noqon kara
  9. Xiriirka dawladda Turkiga oo si wanaagsan ayaa xukuumadda badbaado  aad kor ugu qaaday, waxay ku qanciyeen in Ra’sulwasaaraha Turkigu soo booqdo Soomaaliya, kadibna uu adduunku u arko in Soomaaliya ay tahay meel wax laga qaban karo
  10. Xukuumaddu waxay ku guulaysatay in dastuurka Soomaaliya yeelan doonto la soo gabagabeeyo, iyada oo uu ra’sulwasaarahu uu u magacaabay guddi khubaro ah (Soomaali 100% ) waana guddi madaxbaan. Arrintaan ayaa horseed u noqonaysa in Soomaaliya ay ka gudubto marxaladda ku meelgaarka ah
  11. Waxaa sidoo kale uu Ra’sulwasaaruhu ku guulaystay inuu magaaco guddiyo badan oo madax banaan, sida guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa (Anti Corruption), guddiga ka hortagga masaa’ibka IWM
  12. Xuquuqda haweenka oo la soo gaarsiiyay meel ayan waligeed gaarin, arrintaan oo waqti badan soo jiitamaysay ayaa hadda xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay 30% dumarka laga siiyo golaha Baarlamaanka
  13. Badbaado  waxay gacan ka gaysatay in la sii daayo  dad badan oo Soomaali ah oo ku xiranaa waddamo kala duwan
  14. Badbaado waxay ku guulaysatay inay albaabka wada hadalka la furto Soomaaliland, waayo waxaa la aaminsan yahay in Soomaalidu isku khasban yihiin ayna mar ay noqotaba mar is horfariisan doonaan

Marxalad  isbadel ayaa soo socota, waxaana lagama maarmaan ah in lala saqeeyo dawaladda hadda jirta, isla markaasna la iswaydiiyo yaa Soomaaliya dhibaatada ka saari kara?

Caqabadihii ka hor yimid xukuumadda waxaan ku soo qaadan doonaa Insha Allahu qoraalada soo socda

Ahmed Osman

maamulka2003@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online