6 Saxiixayaasha Road Map-ka oo kulan maanta uga furmayo Magaalada Nairobi

August 4, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta kulan uu uga furmi doonaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya 6 Saxiixayaasha Road Map-ka waxaana kulankaas goobjoog ka noqon doona ergooyin kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka oo ay ugu horeyso QM.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa haatan ku sugan 6 Saxiixayaasha  Road Map-ka  oo kala ah Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed,Raisulwasaaraha DFKM Cabdi Weli Maxamed Gaas,Madaxweynaha Galmudud Col.Ahmed Maxamed Caalin,Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo wafdi ka socda kooxada la baxday Ahlu Suna

Kulanka  Saxiixayaasha  Road Map-ka ee lagu wado in uu ka dhaco Nairobi ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa halka ay marayso geedi socodka Raod Map-ka iyo iyo Dastuurka Soomaaliya ee la sheegay in si ku meel gaar ah loo ansaxiyey .

Kulanka  Saxiixayaasha  Road Map-ka marka uu u soo idlaado ayaa waxaa ay la kulmi doonaan sida warbaahinta uu ka sheegay sarkaal ka tirsan DFKM  xogeeyaha arimaha dibada ee dalka Maraykanka Hilary Clinton oo haatan ku sugan dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online