Abu Yaasir Al Muqdishi iyo C/fitaax Maxamed Cali oo ka mid ahaa Al-Shabaab oo Muqdisho lagu xiray

March 11, 2014 - Written by Editor

voaMuqdisho:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Abu Yaasir Al-Muqdisho oo ka mid ahaa culumada Al-shabaab waxaana laga qabtay magaalada Muqdisho.

Sh Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxaa uu ka mid ahaa ragii raacay  Sh.Xassan Daahir Aweys ee habeen madoow ka guureeyey Degmada Baraawe ka dib markii ay u adkeynsan waayeen hanjabaada kaga imaaneysay  Axmed Cabdi Godane Amiirka kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee DFS ayaa shalay  gelinkii dambe  xabsiga dhigay  Abu Yaasir Al Muqdisi, oo ka mid ahaa Saraakiishii  iyo culumada u Fatwoon jirtay dhalinta Al-Shabaab.

Sh Abu Yaasir Al Muqdisi iyo koox ka carartay seefta Amiirka Al-Shabaab ayaa in mudo ah waxay ku noolaayeen magaalada Muqdisho iyaga oo dhowr mar warbaahinta ka weeraray hogaanka Al-Shabaab waxayna ku eedeeyeen in amiirka Al-Shabaab uu diiday in shareecada Islaamka lagu kala baxo iyo isaga oo shirqool ku dilay rag badan oo lacag uu dul dhigay Mareykanku.

Ciidanka Nabad Suggida ee DFS ayaa sidoo kale xabsiga dhigay dhalinyaro ka soo baxsatay ururka Al-Shabaab waxaan ragga la xiray ka mid ah C/fitaax Maxamed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha ururka Al-shabaab markiisa horana u hayey Maaliyada Ururkii burburay ee Xisbul Islaam.

Hogaanka sare ee DFS ayaa si dadban ula shaqeynayey ururka Al-shabaab iyaga oo xiraya cid walba oo ka soo goosta halka ay sii daysay ragii abaabul oo khaarajin lahaa Abaanduulihii ciidanka DFS Jen.Dhagabadan iyo kuwii Bamka u dhigay Sh.Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Ha,yda Culumada Soomaaliyeed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online