AMISOM oo Warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalada ka socda gobalada Bay ,Bakool iyo Gedo
March 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in ciidmada AMISOM iyo kuwa DFS oo is garabsanaya ay howlgalo ka bilaabeen gobollada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaas oo Al-Shabaab ka saaray magaalooyinka Rabdhuurre, Yeed, Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo iyo deegaanno kale.
War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ka saareen kooxda Al-Shabaab deegaanada Rabdhuurre, Yeed, Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo ayna wili socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay taageero ka heleen wuxuuna u mahad celiyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa ugu baaqay dhalinyarda daacada u ah Al-Shabaab in ay hubka dhigaan kuna biiraan dhacabkooda wuxuuna sheegay in la soo dhaweyn doono cid walba oo ka baxda Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa ku soo aadaya xili ay dagaalo ka socdaan gobalada Bay ,Bakool iyo Gedo waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdaa gobalka Shabeelada dhexe iyo Galgaduud.
A/Cawale
Halgan.net