AMISOM oo Warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalada ka socda gobalada Bay ,Bakool iyo Gedo

March 9, 2014 - Written by Editor

15171Muqdisho:-Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif  ayaa sheegay in ciidmada AMISOM iyo kuwa DFS oo is garabsanaya ay howlgalo ka bilaabeen  gobollada Bay, Bakool iyo Gedo kuwaas oo Al-Shabaab ka saaray  magaalooyinka Rabdhuurre, Yeed,  Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo iyo deegaanno kale.

War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM  ay ka saareen kooxda Al-Shabaab deegaanada  Rabdhuurre, Yeed,  Xudur, Waajid iyo Buurdhuubo ayna wili socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif  ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay taageero ka heleen wuxuuna u mahad celiyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Danjire Mahamat Saleh Annadif   ayaa ugu baaqay dhalinyarda daacada u ah Al-Shabaab in ay hubka dhigaan kuna biiraan dhacabkooda wuxuuna sheegay in la soo dhaweyn doono cid walba oo ka baxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa ku soo aadaya xili ay dagaalo ka socdaan gobalada Bay ,Bakool iyo Gedo waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdaa gobalka Shabeelada dhexe iyo Galgaduud.

Halkan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka AMISOM ay ka soo saaratay dagaalada ka socda gobalada Bay ,Bakool iyo Gedo

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online