Asallada waxyaabaha diinta islaamka ay xaaraamtinimeysay Sh Yuusuf Aadan.[Daawo]
March 18, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sh. Yuusuf Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee fidinta diinta islaamka ku gaboobay ayaa aalmahanna ku sugnaa magaalada Nairobi, waxaan uu xalay muxaadaro uu uga hadlayay Asallada waxyaabaha xaaraamta ah ku qabtay masaajidka Abuu bakar ee 6-ka.
Sheekha, ayaa si faahfaahsan oo cilmiyeysan ugu horreyn u sharraxay qaaciidooyin fiqi ah, isagoona intaas ka dib guda galay sharraxo aayado quraan ah oo ilaahay ku xarrimay waxyaabaha qaarkood, waxaana uu aayadahaas ka soo qaatay suuradaha: Ancaam, Anfaal iyo Israa.
Waxyaabaha xaaraamta ah ee uu sheekha soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah:-
1-In Illaahay iyo makhluuqiisa wax leysugu daro “Shirki”
2-In waalidka lagu caasiyo
3-In laga fogaado ficillada foosha xun
4-In carruurta oo loo dilo faqri ka baqid
5-In la dilo naf aan dil mudneyn
6-Xoolaha agoonta oo xaq darro lagu cuno
7-In ballanta laga baxo
8-In riximka la gooyo
9-In la cuno waxyaabaha maandooriyaasha ah
Sheekha ayaa arrimahan iyo kuwo kaleba waxa uu ka soo uruuriyey aayadaha qur’aanka ah ee Illaahay ku xarrimay qodobadaas, wuxuuna sheekhu dhinaca kale ifiyay waxyaabaha leys amray.
Hoos ka Daawo muxaadarada Sheekh Yuusf Aadam oo dhammeystiran
Maxamed Axmed Ismaaciil
Markizka Hidaaya