Asallada waxyaabaha diinta islaamka ay xaaraamtinimeysay Sh Yuusuf Aadan.[Daawo]

March 18, 2014 - Written by Editor

shyuusuf1Nairobi:-Sh. Yuusuf Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee fidinta diinta islaamka ku gaboobay ayaa aalmahanna ku sugnaa magaalada Nairobi, waxaan uu xalay muxaadaro uu uga hadlayay Asallada waxyaabaha xaaraamta ah ku qabtay masaajidka Abuu bakar ee 6-ka.

Sheekha, ayaa si faahfaahsan oo cilmiyeysan ugu horreyn u sharraxay qaaciidooyin fiqi ah, isagoona intaas ka dib guda galay sharraxo aayado quraan ah oo ilaahay ku xarrimay waxyaabaha qaarkood, waxaana uu aayadahaas ka soo qaatay suuradaha: Ancaam, Anfaal iyo Israa.

Waxyaabaha xaaraamta ah ee uu sheekha soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah:-

1-In Illaahay iyo makhluuqiisa wax leysugu daro “Shirki”

2-In waalidka lagu caasiyo

3-In laga fogaado ficillada foosha xun

4-In carruurta oo loo dilo faqri ka baqid

5-In la dilo naf aan dil mudneyn

6-Xoolaha agoonta oo xaq darro lagu cuno

7-In ballanta laga baxo

8-In riximka la gooyo

9-In la cuno waxyaabaha maandooriyaasha ah

Sheekha ayaa arrimahan iyo kuwo kaleba waxa uu ka soo uruuriyey aayadaha qur’aanka ah ee Illaahay ku xarrimay qodobadaas, wuxuuna sheekhu dhinaca kale ifiyay waxyaabaha leys amray.

Hoos ka Daawo muxaadarada Sheekh Yuusf Aadam oo dhammeystiran

Maxamed Axmed Ismaaciil
Markizka Hidaaya

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online