Booqashadii Siilaanyo ee Laasqoray oo xiisad ka dhex abuurtay Puntland iyo S/land

March 16, 2014 - Written by Editor

DSCN9824Garoowe:-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa booqasho qarsoodi ah saaka ku tegay Degmada  Laasqoray ee gobolka Sanaag. Madaxweynaha S/land ayaa waxaa uu booqasho ku tegay Dekadda iyo Isbitaalka magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaana uu sheegay in ay dayactiri doonaan. Socdaalka Madaxweynaha S/land uu ku tagay Degmada  Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ku weheliyey wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Maamulka S/land.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa  ayaa waxay ku sugnaaayeen Degmada  Laasqoray ee gobolka Sanaag  saacado ka dibna dib uga laabtay Degmada  Laasqoray ee gobolka Sanaag. Socdaalka Madaxweyne siilaayo ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Puntland waxaana ay ku tilmaameen mid daandaansi ah.

Wasiirka warfaafinta, Boostada,  isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka ee Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in booqashada Madaxweyne Siilaanyo uu yahay mid lagu abuurayo colaad dhex marta dadka shacabka iyo labada Maamul.

Maamulka S/land ayaa waxaa ay Puntland dhowr mar ku eedeeyeysay in ay shido ka wado deegaanada gobalka Sool iyo in ay taageero u fidiso kooxaha Al-Shabaab ee Buuraha Golis ku dhuumaaleysta. War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa  lagu sheegay in Puntland ka digayso isku dhac laba maamul ee deriska ah  wuxuuna u qornaa sidan:-

Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Dowlada Puntland

Waxaa saakay oo taariihdu ahayd 16/03/2014 subaxnimadii si xad-gudub ah ku yimid degmada laas-qoray oo katirsan Dowladda Puntland Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah daan-daansi iyo xad-gudub lagu soo xad-gudbay xadduuda Puntland.

Punland waxay diyaar u tahay inay difaaacdo xadduudeeda islamarkaasna waxay ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhex marta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed iyo shacabka dariska ah.

Cabdiweli Xirsi Cabdille
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online