Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
March 24, 2014 - Written by EditorHiiraan:-Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraanl, ayaa maanta u gacan gashay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee kaabaya ee dhawaan ku biiray AMISOM.
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay galabta la wareegeen degmada Maxaas, iyadoo wax iska caabin ah ayan ka dhicin magaalada.
Dadweynaha magaalada Maxaas ayaa waxaa la soo daristay cabsi, iyagoona ka baqanaya in magaalada ay ka dhacaan qaraxyo iyo iska horimaadyo, waxaana jirta in Shabaab ku ay horey u sheegeen inay xeeladeysanayaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada huwanta ah.
Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Itoobiya, lagu daray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana gobollada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ka soconaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada huwanta ah.
Somalireal/Halgan.net