Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele
March 16, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS oo garab ka helaya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele ayna ku wajahan yihiin Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe
Ciidanka Al-Shabaab ayaan wax iska caabin ah sameyn waxaana ay isaga baxeen Degmooyinka Warsheekh iyo Raage Ceele markii ay ku soo dhawaadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka Waaberigii ka dhaqaaqay deegaanka Ceelmacaan waxaana ay gaareen degmada Warsheekh iyagoo sii maray tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada.
Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay haatan ku wajahan yihiin degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe halkaas oo ay u carareen ciidamada Al-Shabaab .
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheeganayaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM .
A/Cawale
Halgan.net