Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS oo la wareegay degmada Rabdhuure
March 6, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Taliska ciidanka DFS ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS ay la wareegeen degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool, halkaas oo saldhig weyn u ahayd ciidanka Al-Shabaab.
Gaashaanle-sare Cabdi Maxamed oo ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamka Itoobiya ee huwan shaarka AMISOM iyo kuwa DFS ay la wareegeen degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool isaga oo sheegay in Xudurna ay ku sii socdaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa si xoogan ugu duqeeyey Madaafiic iyo BM-ka deegaanada ku xeeran degmada Rab-dhuurre ee gobolka Bakool waxaana halkaas isaga barakacay qaar ka mid ah shacabkii deganaa degmada Rabdhuure.Dagaalka ka dhacay degmada Rabdhuure ayaa waxaa uu dhacay laba jeer wuxuuna geystay khaaso leh dhimasho iyo dhaawac .
Idaacada VOA Laanta Afka Soomaaliga ayaa waxay Wareysi la yeelatay Sarkaal ka tirsan DFS oo la yiraahdo Daa,uud Cabdi Ismail oo sheegay in uu ku sugan yahay degmada Rabdhuure wuxuuna sheegay in gacanta ku hayaan degmada Rabdhuure .
Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Bakool C/nuur Maxamed Xasan, ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya, ay la wareegeen degmada Rabdhuure.
Saraakiisha Al-Shabaab ayaan wili ka warbixin dagaalada ka dhacay degmada Rabdhuure kaas oo dhexmaray ciidamada Itoobiya kuwa DFS iyo Al-Shabaab,
A/Cawale
Halgan.net