Ciidanka DFS oo dhoolatus ka sameeyey Degmada Dhuusamarreeb
March 17, 2014 - Written by EditorGalgaduud:-Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay dhoolatus melatari ku soo bandhigeen xerada 21-aad ee Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana ciidamada ay soo bandhigeen gawaari faro badan oo kuwa tiknikada ah .
Saraakiisha ciidanka DFS ee Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidankooda haatan diyaar garoobeen sidii ay duulaan ugu qaadi lahaayeen deegaanada ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.
G/sare Salaad Maxamed Rooble ayaa saxaafada kula hadlay xerada ciidanka 21-aad ee magaalada Dhuusamarreeb wuxuuna sheegay in ay dhawaan gaari doonaan goobaha ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin gobolka Galgaduud .
Taliyaha ciidanka DFS ee gobolka Galgaduud Gaashaanle sare Salaad Rooble ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobolka Galgaduud in ay garab siiyaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee dhawaan howlgalada ka bilaabi doona gobolka Galgaduud .
Gudoomiyaha ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub ayaa ugu baaqay ciidanka Al-Shabaab in ay duulaan ku qaadaan deegaanada ka tirsan gobalka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan ciidanka DFS ,kooxda Suufiyada iyo ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray ciidanka AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net