Ciidanka DFS oo dhoolatus ka sameeyey Degmada Dhuusamarreeb

March 17, 2014 - Written by Editor

ciidanGalgaduud:-Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay dhoolatus melatari ku soo bandhigeen xerada 21-aad ee Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana ciidamada ay soo bandhigeen gawaari faro badan oo kuwa tiknikada ah .

Saraakiisha ciidanka DFS ee Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidankooda haatan diyaar garoobeen sidii ay duulaan ugu qaadi lahaayeen deegaanada ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

G/sare Salaad Maxamed Rooble ayaa saxaafada kula hadlay xerada ciidanka 21-aad ee magaalada Dhuusamarreeb wuxuuna sheegay in ay dhawaan gaari doonaan goobaha ay Al-Shabaab kaga harsan yihiin gobolka Galgaduud .

Taliyaha ciidanka DFS ee gobolka Galgaduud Gaashaanle sare Salaad Rooble ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobolka Galgaduud in ay garab siiyaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee dhawaan howlgalada ka bilaabi doona gobolka Galgaduud .

Gudoomiyaha ururka Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub ayaa ugu baaqay ciidanka Al-Shabaab in ay duulaan ku qaadaan deegaanada ka tirsan gobalka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan  ciidanka DFS ,kooxda Suufiyada iyo ciidanka Itoobiya ee dhawaan ku biiray ciidanka AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online