Ciidanka Puntland ee Gobolka Gardafuu oo qabtay dooni jiriifaysay Xeebaha Puntland.[Dhagayso]
March 4, 2014 - Written by EditorCaluula:-Ciidanka badda ee Puntland ee ku sugan Gobolka Gardafuu ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Raasiga Booli moog uu u jira 5 Mayl degmada Caluula waxaa ay gacanta ku dhigeen Dooni si sharci daro ah uga Kalluumay sanaysay xeebaha badda Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Calluula Cali Saalax Yuusuf oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in Doonta ay saarnaayeen calooshood u shaqaystayaal ah oo iska horimaad u dhex maray ciidanka ka dibna ay ciidanku ka awood roonaadeen iyagoo ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Caluula Cali Saalax Yuusuf ayaa u sheegay saxaaafadda in markii Cuqaaasha iyo Issimada Gobolka Gardafuu gaar ahaan degmada Caluula la tusay doonida la soo qabtay iyo agabkii Kaluunka ahaa oo saarnaa ay gacanta madax saareen oo ay aad u qaracmeen.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Caluula Cali Saalax Yuusuf ayaa sheegay in doonyahaa badda ku jira ay leeyihiin dalalka IranIraaniyiin iyo Yemen ayna wataan Shabaago waawayn, oo daqiiqaii kaadi kara ilaa shan kun illaa Lix kun(5000 illaa 6000) oo Kalluun ah.
Ciidanka howlgalka sameeyey ee ku guulaystay in ay soo qabtaan Doonidaan sidda sharci darada uga kaluumay sanaysay badda Puntland ayaa waxaa hogaaminayey taliyaha Saldhiga degmada Calluula iyagoo qabtay doon Xaawiya iyo labo Sixiimadood iyo carabtii saarnayd.
Hoos Ka dhagayso Waraysiga Guddoomiye ku xigeenka degmada Calluula Cali Saalax Yuusuf
M_M_Deeq
Halgan.net