Daawo gabagabadii Nadwo ka dhacday Masjidka Harawa ee magaalada Boorame
March 24, 2014 - Written by EditorBoorame:-Waxaa habeenkii ay ku beegannay 19-05-1435 oo u dhigan ta 20-03-2014 lagu soo gaba gabawda Masjidka Harawa ee magaalada Boorame Nadwo cilmiyeed dini ah oo ay soo diyaariyeen Ururka dhalinyarada ee Badbaado. Habeenkii gabagabad Nadwada ayaa waxaa ka soo qayb galay culimadii ka qayb qaadanay say duruusta iyo muxaadaraadkii ka baxaya Nadwada waxaan ka xusi karnaa culimadaas:-
1. Sh. Xasan khayre Dirir
2. Sh. Maxamed Cabdi Xasan (Sh. Max’ed Shiine)
3. Sh. Cilmi Ismaciil Sh, Muxumed (Sh. Cilmi Naxwe)
4. Sh. Max’ed Bile Max’ed Ibrahim
no images were found
Nadwada ka dhacday Masjidka Harawa ee magaalada Boorame ayaa waxaa diirada lagu saaray dhibaatada Tahriibka iyo mushkilada gaarka u ah dhalinyara waxaa culimadu ay xoog uga hadleen:-
1.Cibaado xumada haysta dhalin yarta
2. Akhlaaqda
3. Faham xumada ka haysatada dhalin yarta nolosha
4. Faham la’aanta ka haysata dhalin yarta dhinaca Aqoonta
Ugu danbayntii waxaa Nadwada lagu soo xiray su’aalo culimada la waydiinayay oo soo wiidiiyeen bulshadii ka soo qayb gashay nadwada, Nadwada ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey jawi wanaagsan oo qurxoon iyadoo bulshada Boorame ay dalbadeen in nadwooyinka noocaan oo kale ah loogu cel celiyo.
Hoos ka Daawo gabagabadii Naadwadii ka dhacday magaalada Boorane ee xarunta Gobolka Awdal
Ururka dhalinyarad ee Badbaado
Boorame, Somalia