Dagaal u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan DFS oo ka dhacay magaalada Baydhabo

March 5, 2014 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in galabta iska hor imaad u dhexeeya ciidanka Booliska iyo kuwa Milateri uu ka dhacay Saldhiga booliska ee magaalada Baydhabo.

Iska hor imaadka ayaa waxaa ka soo baxaya warar is khilaafsan waxaana sida ay sheegayaan warar hordhac ah ku dhintay iska horimaadka Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Baay G/sare Nishoow Aadan Kurtun waxaa kale oo ku dhaawacmay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Baydhabo, Col. Dugadoow.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray Saldhiga booliska ee magaalada Baydhabo. waxaana jira askar ka tirsan labada dhinac oo uu soo gaaray dhaawac kala duwan.

Wararka ugu danbeeyey ee caawa ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wili ay xiisan ka jirto magaalada waxaana isaga baxay ciidamo ka tirsan Booliska DFS oo ka howlgalayey magaalada Baydhabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online