Dagaalo u dhexeeya ciidanka DFS AMISOM iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Sh/ Hoose.

March 10, 2014 - Written by Editor

AMISOMAfgooye:-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray ciidamada DFS  ,Kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab waxaana uu dagaalka uu bilaawday ka dib markii weerar dhaba gal ah ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM kuwaas oo la sheegay in ay ku sii jeedeeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada Danow,waxaana uu socday mudo ka badan saacad waxaana dagaalka uu khasaaro gaarsiiyey beero asandooyin ah ka dib markii ay ciidamada AMISOM ay taangiyada dulmariyeen.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in ay bilaawdeen howlagaladii Gobolka Shabeellaha Hoose. waxayna sheegeen in ciidamadooda ay ku dhowyihiin degmada Qoryooley iyo Golweyn.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in tiro Al-Shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay gobalka Shabeellaha Hoose.

Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay doonayaan in ay gaaraan Degmooyinka Qoryoolee iyo Buulo-Mareer oo ay haatan gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa guula ka sheegtay dagaallada ka dhacay gobalada Bakool Gedo iyo gobalka Shabeellaha Hoose isaga oo sheegay in khasaaro badan ay u geysteen ciidamada Huwanta.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online