Faah faahin xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Degmada Baraawe

March 5, 2014 - Written by Editor

toogashoBaraawe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in shalay lagu dilay rag ka tirsanaa Al-shabaab oo mudo dheerna ku xirnaa xabsiyada qarsoon ee Al-shabaab. Ragga shalay lagu dilay degmada Baraawe ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay la shaqeyn jireen sirdoonka wadamada reer galbeedka ,DFS iyo Maamulka Puntland waxaana ay magacyadooda kala yihiin:-

1-Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole Sufyaan oo 47 jir ah
2-Maxamed Geelle Cabdulle oo 29 sano jir ah
3-Cabdi Raxmaan Cabdi Ladiif axmed 23 jir ah .

Mid ka mid ah wariyaasha Shabakadda Wararka Halgan.net ayaa August 9, 2013 waxaa uu tarjumay Risaalo uu qoray Abuu Yuusuf Gariib oo ahaa xubin ka tirsanaa Al-shabaab uuna ugu magacdaray ”Fariin ku socota hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane’‘ isagoo ka sameeyey ilaa labo maqaal.

Risaalada uu qoray Abuu Yuusuf Gariib ayaa waxaa uu ku magacaabay ragg ku xiran xabsiyo qarsoodiga ah ee ururka Al-shabaab ay maamulaan ragga uu magacaabayna waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan oo ka mid ahaa raggii shalay ay Al-shabaab ku dileen degmada Baraawe.

Abuu Yuusuf Gariib  ayaa qoraalka  fariinta ah ee uu u dirayey  hogaamiyaha Axmed Cabdi Godane waxaa uu ku sheegay in uu xiray Axmed Cabdullaahi Max’med Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan, isagoo sheegay in Sufyaan uu u qaabilsan Al-shabaab qaybta Siyaasadda  xilkana laga qaaday sababtana aan loo sheegin balse xarigiisa uu la xiriiro xubno  ka tirsanaa Al-shabaab kana aragtid duwanaa hogaamiyaha Al-shabaab  Axmed Godane ee la xiray halka qaarka kalena la dilay.

Hoos ka eeg qoraalka uu Abuu Yuusuf Gariib uu kaga sheekeeyey xariga Axmed C/llaahi Maxamed Faroole iyo xubno kale eeg Page 19aad qoraalka oo faahfaahsanFariin ku socota hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane

Abuu Yuusuf Gariib iyo Abu Yaasir Al-Muqdishi oo ahaa xubno ka tirsanaa Al-shabaab ayaa ku eedeeyey Hogaanka kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane shirqoolo dil ah oo uu kula kacay xubno ka tirsanaa Al-shabaab waxaa ay baraha internetka ee taageera ururka Al-qaacid ku qoreen risaalooyin kale duwan oo ay arrinkaas daaha uga qaadeen. Halkaan ka eeg Risaaladii Abu Yuusuf Gariib oo aan tarjunay qaybta 1aad.

Risaalada uu qoray Abuu Yuusuf Gariib ayaa waxaa ay ka koobnay ilaa 30 page ayaa waxaan uu  aad isku barbar dhig uu ku sameeyey xaalada ka jirta Soomaaliya iyo dagaalkii ka dhacay dalka Jazaa’ir Halkaan ka eeg qaybta labaad ee Risaalada

Abuu Yuusuf Gariib ayaa Risaalo uu qoray uuna ku faafiyey shabakataljahad.com/vb/ waxaa uu sheegay ragga u xiran Al-shabaab waxaan ka mid ahaa:-

1. Xikmatyaar oo ahaa ninkii dhalinyarad ahaa ee baray hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane Mucaskarkii Salaaxudiin sidda Qoriga Ak-47 ah loo furfuro.

2. Cabdi Rabi Daxdaax oo ahaa Khadhiib isagoo Masjid ku yaal Baraawe ka sheegay in xaqa loo noqdo oo khilaafka ka dhex jira ururka Al-shabaab lagu xaliya Kitaabka Alle.

3. Zubayr Muhaajiri oo ahaa Madaxii Garoorka Maxkmada ururka Al-shabaab waxaa uu ka yimid dal ka mid ah reer Galbeedka.

4. Macalin Xamzah oo ahaa mid Xifdisan Quraanka kariimka habeenkii la dilay Ibraahim Afgani baa lagu amray in uu yimaado ciidanka Xizbada ka dibna waa la xiray.

5. Abu Khubayr Al-Anzaari oo ka yimid dal Carabeed

6. Muhaajir Farance waa nin ka yimid faransiiska magaciisana aan aqoon

7. Cabdirizaaq u socday reerkiisa oo degan Gobolka Bay

8. Sh Cabdirashiid Abu Yoonis Wuxuu masuul ka ahaa dhinac Dacwada gobolka Banaadir

9. Axmed Cabdullaahi Max’med Faroole oo loo yaqaanay Sufyaan waxaa uu ka shaqayn jiray qaybta siyaasada waxaa ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Puntlland Faroole waxaana shalay lagu dilay Baraawe isaga oo lagu eedeeyey jaasuusnimo.[Waa sidda uu qoraalka Abuu Yuusuf Gariib ku qoray]

10. Mukhtaar Qani oo uu ahaa masuul ciidan ahna Muhaajir waa la xiray ka dib markii lagu eedeeyey in uu magan geliyey ,Abuu Mansuur Al-Amriiki, Khadhaab Masri, Usaama Biridhaani oo godane uu khaarajiyey.

11. Abu Dalxa Soomaali loona yaqaan Samatar ka yimid dalka Maraykanka.

Abu Yuusuf ayaa waxaa kale oo uu ku Risaaladiisa uu qoray ku xusay ragga aan ilaa hadda hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane aan weli u gacan gelin balse lagu daba jiro waxaana uu ka xusay oo ka mid ahaa:-

1. Sh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur

2- Sh Xassan Daahir Aweys

3-Sh Abuu Yaasir Al- Muqdisho

4-Zakariye Ismail loona yaqaan Zaki

5-Cumar Maxamed Abu Ayaan

6.Cabdifitaax Maxamed oo ahaa Kalkaaliyihii Sh Xassan Daahir Awey.

Dhinac kale Ehelada Axmed Abdulahi Mohamed (Faroole) oo maanta shir jiraaid ku qabtay magaalada Garowe ayaa waxay sheegeen in wiilkooda lagu dilay xaqdaro uuna ahaa ganacsade ka shaqeysta Koonfurta Soomaaliya.Faarax C/laahi Faroole oo ay walaalo yihiin Axmed Abdulahi Mohamed (Faroole) ayaa ku eedeeyey in Al-shabaab walaalkiis ay u dileen qaab qabiil .

Faarax C/laahi Faroole oo la dhashaay Axmed C/Laahi Faroole ayaa xusay in walaalkiis in mudo badan uu ka shaqaysanayey Koonfurta Soomaaliya uuna ahaa ganacsade isagoo qabay gabar uu dhalay Ugaas beesha Cayr waxaan uu guryo ku lahaa  Guriceel , Beledweyne, Muqdisho  iyo Baraawe.

Faarax C/laahi Faroole ayaa qiray in maalintii uu Sheekh.Xassan Daahir Aweys  uu ka baxsaday degmada Baraawe in la qabtay Axmed C/Laahi Faroole  uun in mudo ah uu u xirnaa ururka Al-shabaab ayna jir dil ku sameeyeen.

Ma ah markii ugu horaysay ee hogaanka ururka Al-shabaab ee madaxda uu ka yahay Axmed Abdi Godane ay dil ku xukumaan xubo ka tirsanaa al-shabaab oo ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo iyo weliba dad ku nool deegaanada ay iyagu maamulaan.

Cabdi Yare
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online