Faahfaahin weerar lagu dilay Abbaanduulihii ciidanka DFS ee gobalka Hiiraan
March 18, 2014 - Written by EditorBuuloburde :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuloburde ayaa sheegay in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen halka ilaa 20 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.
Dadka dhintay ayaa waxaa la xaqiijiyey in uu ku jiro Abbaanduulihii ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiraan Korneel Maxamed Amiin Jeesow. Sidoo kale ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa waxaa uga dhintay weerarka ilaa 6 askari oo 3 ka mid ah ay yihiin ciidamada dalka Jabuuti.
Magaalada Buuloburde ayaa waxaa gacan ku heynteeda la wareegay maalintii khamiista ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM waxaana halkaas isaga baxay ciidamadii Al-Shabaab. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo ka sameeyey magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan waxayna xabsiga dhigeen dhowr qof oo ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Weerarka is miidaaminta ee xalay ka dhacay Degmada Buuloburde ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net