Guddoomiyaha gobolka Banaadiroo ka hadlay amaanka Muqdisho (Dhageyso)
March 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in muddo kooban uu maamulkiisu wax ka qaban doono amaanka magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in mudo dhan 3 bilood ay ku sugi doonaan amniga magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen ayaa wareysi uu siiyeye Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaana uu balan qaaday in uu wax ka qaban doono kooxaha amniyaadka ee dilalka iyo qaraxyada ka geysta Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Jen Xasan Maxamed Xuseen Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee gobalka Banaadir wuxuuna meesha ka saaray in raafka iska socda ee magaalada Muqdisho ka dhaca marka ay ciidamada DFS ay sameynayaan howlgal uusan mar danbi dhici doonin balse toos loo abaari doono dhagarqabayaasha dilalaka ka geysta magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Jen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka codsaday dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho inay gacan ka siiyaan maamulkiisa iyo ciidamada amaanka ee gobalka Banaadir.
A/Cawale
Halgan.net