Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay
March 30, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wuxuu goor dhow uu gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan DFS.
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa u yeeray madaxweynaha DFS xili ay madaxda DFS ay doonayaan in xal loo helo khilaafka ka aloosan magaalada Baydhabo kaas oo markii danbe keenay in laba Maamul loog dhawaaqo
Afhayeenka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Ra’iisal Wasaaraha Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed.Madaxweynaha DFS ayaa la filyaa in caawa ilaa birito uu kulamo kala duwan la qaato Masuuliinta iyo Malaaqyada gobalada Bay iyo Bakool.
A/Cawale
Halgan.net