Gudoomiyaha gobolka Mudug oo sheegay in Ciidamo ka tirsan Puntland ay imaan doono Gobolka Mudug.[Dhagayso]

March 4, 2014 - Written by Editor

tigeyGaalkacyo:-Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu ka waramay xaalada amni ee magaalaa Gaalkacyo iyo howl galo ka socda dhinacyadda Gal-Mudug iyo Puntland si loo adkeeyo amaanka magaalada.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa xusay in magaalada Gaalkacyo ilaa Galdogob ay imaan doonaa ciidamo ka tirsan Puntland oo iskugu jira kuwa Birmadka, Daraawiishta , PIS iyo ciidanka badda si loo adkeeyo xuduudaha Puntland si aysan ugu soo talaabin dhinac Puntland firxadka Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in waxgaradka iyo haldoorka gobolka Mudug ay laayaan dhalinyaro aan da’doodu gaarin 20 sanno oo ka tirsan amniyaadka  ururka Al-shabaab loona soo dhiibay liis magacyo ku qoran yihiin ka dibna ay ku laayaan magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyinka kale ee Puntland haldoorkii umada.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa xusay in qof aan oday giisa ama qof ka masuul ah uusan damaano qaadin in uusan wax fal amni daro uusan geysan doonin uusan joog doonin magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa ku goodiyey in aysan jiri doonin maleeshiyaad beeleed hubaysan oo qaab ciidan mushaar u qaata balse la tahayn doono ciidamada gobolka Mudug si loo hello ciidamo la isku halayn karo tahaydooda.

Hoos ka hagayso waraysiga Radio Daljir la yeeshay Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online