Gudoonka Baarlamaanka oo Xildhibaannada ku wargeliyey Iney u soo xaadiraan kulamada Baarlamaanka

March 25, 2014 - Written by Editor

baarlamaanMuqdisho:-Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku war geliyey XIldhibaannada Golaha Shacabka iney u soo xaadiraan gudashada howlaha adag ee horyaala Xildhibaannada Baarlamaanka oo ay ugu horeyso ka doodida iyo ansixinta Miisaaniyadda.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “anigoo ku hadlaya magaca Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaan si xushmad leh ugu yeerayaa Xildhibaannada xubnaha ka ah Golaha Shacabka ayaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka qodobkiisa 16aad iney usoo xaadiraan Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka oo furmay 22ka bishan March.
“
Golaha Shacabka waxaa haatan horyaala arimmo aad iyo aad xasaasi u ah islamarkaana muhiim u ah, anigoo XIldhibaannada Sharafta leh xusuusinaya ineysan Miisaaniyadda sanadkan 2014 oo dhameystiran ansaxsaneyn miisaaniyadda hada lagu dhaqmayo ee uu Golaha ansixiyey fasaxiisa Dastuuriga ah ka hor waxa ay ku egtahay 31ka bishan,waqtigaasi oo aysan Xukuumaddu bixin Karin wax dhaqaale ah, dhammaan howlaha miisaaniyadda quseeya oo ay mushaarooyinka ugu horeeyaan wey joogsanayaan ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyntii waxaan mar labaad ugu yeereynaa Xildhibaannada Sharafta leh ee jira gobollada Dalka iyo dalka dibaddiisa iney sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiraan xaruntooda shaqo ee Muqdisho si ay dib ugu furmaan fadhiyadii caadiga ahaa,guluhuna si hufun ugu guto waajibkiisa Qaran oo ay ugu horeyso Miisaaniyadda 2014ka oo hada gacanta lagu hayo”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee
Gudoomiyaha Baarlamaanka,Media & Public Relation
Office Of Speaker,Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online