Khudbadii Jimacaha Ee Masjidka Al-Hidaaya Sheekh Mowliid Cabdi Axmed (Dhageyso)
March 28, 2014 - Written by EditorNairobi:-Sheekh Mowliid Cabdi Axmed ayaa maanta Masjidka Al-Hidaaya ka jeediyay khudbada jimcaha wuxuuna sheekha kaga hadlay wax yaabaha alle arzaaqda kusiyaadiyo waxana uu ku soo koobay 3 arimood oo alle swc ku waasiciyo arzaaqda waana kami ah.
1 In qofku markii uu raadinaaya arzaaqda uu ku raadiyo alle ka cabsi uuna ka fogaado dhariiqa qaldan oo xaraanta ah ama riba ah.
2 Inuu uu istiqfaarta uu badiyo alle arzaaqdana wuu u waasicinayaa
3 In uu alle talasaarto marka uu raadinaayo arzaaqda uusan cidkaleyto u tala saaranin alle swc kaliya u talasaaarto.
Sheekh Mawliid Cabdi Axmed ayaa gunaanadkii khudbada wuxuu ku soo gaba gabeeyay inuu qofka alle ka cabsdo arzaadqadana uu u raadiyo sida wanaagsan ee alle scw raali kaga yahay qofkale inta uusan dhalanin alle swc u qoray arzaadqda ,sheekh Mowliid Cabdi Axmed ayaa umada muslimiinta kula dar daarmay inay alle ka cabsadaan si wanagsana u raadiyaan arzaaqda alle swc.
Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha Ee Masjidka Al-Hidaaya Ee Magaalada Nairobi.
MAsjidka Al-Hidaaya
Maxamed Axmed Sheekh Ismaciil
Nairobi