Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]
March 28, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa maanta mar kale waxaa uu khudbadii Jimacaha ka jeediye Masjidka weyn Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu uga haday qiimaha waqtiga ay siisay diinta Islaamka isagoo Sheekhu uu aad u qaadaa dhigay Aayaad dhowr ah ee ku jira quraanka Kariimka ah ee Alle Subxaanahu watacaala uu uga hadlay waqtiga iyo Zamanka oo ah nimo weyn oo Alle siiyey dadka haddii ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan.
Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa uu tusaaleeyey dadweynihii dhagaysanayey khudbada siddii ay dadkii Salafka ahaa ay u ilaalin jireen waqtigooda iyagoo inta badan ku dadaali jiray in waqtigooda ay ku bixiyaan cibaadadda alle iyo barashada cilmiga.
Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa dadweynaha khudbada dhagaysanayey xasuusiyey in ay ogaadaan in waqtigu yahay wax qiimo badan oo Beer oo kale ah qof kastana waxaa uu ku lumiyo ay ka horeeyaan marka uu dhinto loona baahan yahay in qof walba uu ka faa’iidaysto waqtiga iyo caafimaadka.
Hoos ka Dhagayso khudbadii Sh Daahir Aw cabdi uu ka akhriyey Masjidka Rowda ee Boosaaso
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/96f73fo8lm/Sheekh_dahir_Ow_cabdi1.mp3] Halkaan ka Dhagayso MP3
Halgan.net