Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]

March 28, 2014 - Written by Editor

Sh_DaahirBoosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa maanta mar kale waxaa uu khudbadii Jimacaha ka jeediye Masjidka weyn Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa khudbadii Jimcaha waxaa uu uga haday qiimaha waqtiga ay siisay diinta Islaamka  isagoo Sheekhu uu aad u qaadaa dhigay Aayaad dhowr ah ee ku jira quraanka Kariimka ah ee Alle Subxaanahu watacaala uu uga hadlay waqtiga iyo Zamanka oo ah nimo weyn oo Alle siiyey dadka haddii ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan.

Sh.Daahir Aw Cabdi  ayaa waxaa uu tusaaleeyey dadweynihii dhagaysanayey khudbada siddii ay dadkii Salafka ahaa ay u ilaalin jireen waqtigooda iyagoo inta badan ku dadaali jiray in waqtigooda ay ku bixiyaan cibaadadda alle iyo barashada cilmiga.

Sh.Daahir Aw-Cabdi  ayaa dadweynaha khudbada dhagaysanayey xasuusiyey in ay ogaadaan in waqtigu yahay wax qiimo badan oo Beer oo kale ah qof kastana waxaa uu ku lumiyo ay ka horeeyaan marka uu dhinto loona baahan yahay in qof walba uu ka faa’iidaysto waqtiga iyo caafimaadka.

Hoos ka Dhagayso khudbadii Sh Daahir Aw cabdi uu ka akhriyey Masjidka Rowda ee Boosaaso

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/96f73fo8lm/Sheekh_dahir_Ow_cabdi1.mp3] Halkaan ka Dhagayso MP3

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online