Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Xafiiska ku qaabilay Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Dalka Kenya

March 1, 2014 - Written by Editor

IMG_3881Muqdisho:-Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Kenya kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Gudoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ayaa waxaa ku wehlinayey ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigaanka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ayaa ku soo dhaweeyey wafdigan Xildhibaannada ah ee ka socda Baarlamaanka dalka Kenya xarunta Villa Hargeysa iyo guud ahaanba magaalada Muqdisho waxaana uu xusay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada wafdigan ay ku joogaan magaalada
Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Mudane Mahad Salaad oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho markii wafdigan ay yimaadeen kadib ayaa faah faahiyey ujeedada socdaalka wafdigan ka socda dalka Kenya isaga oo tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshiyaha wafdigan.

Senator Billow Adan Keyrow oo wafdigan ka mid ah ayaa isna dhankiisa waxa uu ka hadlay safarkan ay maanta wafdigooda ka socda dowladda Kenya ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey sida magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyey,socdaalkoodana waxa uu ku tilmaamay mid qeyb ka ah xiriirka iyo wadashaqeynta labada dal iyo in ay indhahooda ku arkaan hormarka xiligan ka jira magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Wafdigan ka socda dowladda Kenya ayaa kala ah Senator Billow Adan Kerow,Xildhibaan Maxamed Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey barqanimadii maanta Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko,ujeedada socdaalkoodana waxa ay qeyb ka tahay iskaashiga iyo wadashaqeynta Baarlamaannada labada dal ee deriska ah waa Soomaaliya iyo Kenya.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online