Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Baarlamaanka Uganda.“[Masawiro”]

March 2, 2014 - Written by Editor

IMG_4054Muqdisho:-Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Uganda kuwaasi oo magaalada Muqdisho soo gaaray maanta. Kulankan uu ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar la qaatay wafdigan ka socda Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Gudoonka iyo guddiyada Baarlamaanka waxaana goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadal kooban ka jeediyey kulan qado sharaf ah oo Baarlamaanka Soomaaliya kusoo dhaweynayey Wafdigan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Baarlamaanka iyo dowladda Uganda sida hagar la’aaneed ee ay ula shaqeeyaan islamarkaana u garab istaageen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu yiri “waxaa sharaf weyn inoo ah inaan maanta qaabilno wafdi ka socda Baarlamaanka Uganda oo ah Baarlamaan uu naga dhaxeeyo iskaashi iyo wadashaqeyn iyo wax wada qabsi.

Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka dalka Uganda oo wafdigan hogaaminayey Horn Fungaroo Kaps Hassan oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Gudoonka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyeen waxaana uu intaa ku daray in Baarlamaanka Uganda uu mar walba u garab taaganyahay Baarlamaanka Soomaaliya,tanina ay qeyb ka tahay wadashaqeynta Labada Baarlamaan.

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 waxa ay heshiis iskaashi iyo wadashaqeyn ku dhisan ku kala saxiixdeen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaana imaanshaha Wafdigan ka socda Baarlamaanka Uganda ay yimaadeen magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay fulinta heshiiskaasi.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka
Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online