Kulan lagu daahfuray Kafaalo Magazine 2014 oo ka dhacay Oslo

March 3, 2014 - Written by Editor

kafal6Oslo:-Shalay oo taarikhdu aheyd 01. March 2014 ayaa waxaa Xafiiska Guud ee Kafaalo ee magaalada Oslo, lagu daahfuray Kafaalo Magazine 2014 oo qorshihiisu ahaa inuu soo baxo 1-da bishan. Shirkaas ayaa waxaa lagu casuumay qaybo kamida waxgaradka kala duwan ee Oslo Norway.

Ujeedka shirka ayaa ahaa daahfurka Kafaalo Magazine 2014 iyo inay waxgaradkaas kadhiibtaan talooyin, fikrado, tusaaleyn, dhaliilo iyo su’aalo ku aadan magazine-ka iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

Kafaalo Magazine 2014 waa daabacadii 3aad oo ay ka horeeyeen 2012 iyo 2013. Wuxuuna midka sanadkaan ka kooban yahay shan qaybood oo qaybtiiba kasii kooban tahay dhawr maqaal. Shantaas qaybood ee guud ayaa kala ah:

Aqoon Guud

Waxbarasho iyo Tarbiyo

Taariikh iyo Diin

Siyaasadda & Arimaha Bulshada

Dhaqaalaha

Midka sanadkan wuxuu kuwii hore kaga duwan yahay in lagu soo kordhiyay iswaydiimo badan iyo jawaabahooda, mawduucyo goosgoos ah oo ku saabsan tarbiyadda caruurta, taarikhda Sh. Maxamed Cabdi Umal iyo waxyaalo kale. Waana magazine uu ka faa’iidayo qof walba oo akhriya luqadda Soomaaliga.

Halkan ka Dheego Kafaalo Magazine 2014 

Hoos Ka Daawo Kulan lagu daahfuray Kafaalo Magazine 2014  oo ka dhacay Oslo

Waxaad kasoo dalban kartaa goobahan hoose:
Email ahaan: km@kafaalo.com

Norway Kala Xiriir Tel Oslo Xafiiska Kafaalo – Maxamed Faarax +47 944 386 633
Bergen Cabdul Axmed +47 906 702 73

Sweden Kala xiriir Tel Gøteborg & nawaaxigeeda Maxamed Aadan +46 737 310 541+46 737 310 541
Stockholm & Nawaaxigeeda Cabdirisaaq Xuseen +46 762 639 949+46 762 639 949
Dalane & dhanka Waqooyiga Sweden Mursal Ciise +46 707 794 977+46 707 794 977
Denmark Kala Xiriir Tel  .Cabdiwahaab Salaad +45 311 23 272+45 311 23 272

Halgan.net
Kafaalo

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online