Kulankii 1-aad ee Mu’asasaadka Dacwada Jaaliyada Soomaaliyeed ee Yurub & America

March 3, 2014 - Written by Editor

IjtimaacMarch 02. 2014 Kulankii 1-aad ee Mu’asasaadka Dacwada Jaaliyada Soomaaliyeed ee Yurub & America. Sadexda Hay’adood ee kala ah Mu-sasada Golaha Isutaga Imaamyada waqooyiga America, Mu-sasada Al-Irshad UK iyo Mu-sasada European Muslim Associations (EMA) oo ka kala socda America, UK iyo Europe ayaa waxay kulan ku yeesheen Caasimadda dalka Denmark – Copenhagen Mudadii u dhexaysay 28-Feb ilaa 2-March.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen culimo, aqoonyahan iyo madaxda hay’adahaas wuxuu ku saabsanaa sidii ay isu dhaafsan lahaayeen khibradaha iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin dawaynta dhibaatooyinka ku xeeran bulshadeena Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan qurbaha iyo kaalinta ay culimadu ku leeyihin arimahaa.

Waxay culimada iyo madaxda hay’adahaas si qotodheer oo cilmiyeysan u gorfeeyeen sidii loo tayeyn lahaa dacwadda iyo tacliinta gaar ahaan kor-uqaadida asaaliibta dacwadda ee ku salaysan baahida iyo duruufta ka jira wadaman . Mu-sasaadkan ayaa waxay isu xilqaameen kuna hawlanyihiin sidii ay u bad-baadin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed si loo helo qof muslin ah qoys muslim ah iyo umad muslima oo ku dhaqanta diinta Alle swt.Waxaa si gaar ah la isula qaatey ahmiyadda ay leeyihiin da-yartu(Gabdho iyo wiilal) iyo in loo baahanyahay wakhti badan in loohuro si loo leho dhalin ka dhisan aqoonta diinta iyo tan maadiga ahba.

Intaa ka dib waxaa kulanka ka soo baxey baaqan.

Waxaan ugu baaqaynaa umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan:

1-Inay Allah ka cabsadaan una laabtaan kitaabka Alle swt iyo sunnaha nabiga (SCW)
2-In ay ilaaliyaan midnimida iyo walaalnimada kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara.
3-In ay yaqiinsadaan colaadda,kala qaybsanaanta iyo khilaafku uu yahay marinka sahlaya faragelina shisheeye.
4-Inay ka fogaadaan aafada qabyaaladda ee burburisay dalkeeni,dadkeenii iyo diinteeniiba.
5-In dawladda dhexe ay umadda u sheegto ciidamada shisheeye iyo goorta ay dalka ka baxyaan dhanka kale in xalka laga raadiyo helitaanka nabadd waarta ee aanu ku jirin ciidamo laga soo buuxdhaafiyo geyiga Soomaaliyeed.
6-Qurba jooga waxaan ugu baaqeynaa iney mideeyaan isku kaashadana wanaaga kana waantoobaan iney qayb ka noqdaan fitanka iyo dhibaatoyinka dalkeeni hooyo.
7-In ay dhalinta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ka digtoonaadaan qalooca diimeed kuna xidhnaadaan culimadda.
8-In ay waalidiintu ay da’ yarata ku xiraan maraakista islaamiga ah ee ka jira qurbaha.
Waxaan qoysaska soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenaya burburka qoysaska (furiinka) oo kamid ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee haysta bulshada soomaaliyeed ee qurbaha.
9-In bulshada soomaaliyeed u dhaga nuglaato dadaalka ay culimada iyo waxgaradka umadu ku bixinayso kahortaga dhibaatooyinka qabyaalada iyagoo ku garab istaagaya soo celinta walaalnimadii umada Soomaaliyeed.
10-In ay hal doorka iyo waxgaradka umadu u istaagaan waxtar dhab ah kana qayb qaataan lana shaqeeyaan mu’asasaadkan iyo kuwa la mid ka ah.
11-Waxaan baaq dheer u jeedineynaa Xarakada Al-Shabaad iney Allah ka baqaan kana waantoobaan ku xad gudubka diinta iyo ku madax adeyga arimaha ay Ku jiraan waxaan ku waanineynaa in ay u turaan umadda Soomaaliyeed ee muslim ka ah, waxaan ku adkeynaynaa in ay garwaaqsadaan ogaadaanna sida ay ku wadaan in ay-tahay mid sahleysa in dalku shisheeyo u gacan galo maadaama ay khilaafka iyo colaada qayb wayn ka yihiin.
12-Waxaan dhalinyarada uga baaqeynaa iney iska ilaaliyaan afkaarta loo ekeysiinayo diinta ee qaloocan naftoodana aanay ku halaagin meel aanay hubin.
Ugu danbeytii waxaan Allah ka baryeynaa in umada Soomaaliyeed caqligooda ku soo celiyo dantoodana garansiiyo diintana ku sugo.

Wabilaahi Towfiiq

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online