Maamul-goboleedyada muraadka laga leeyahay waynaa!!!!!.W/Q Sh. Ahmed Dheeli

March 13, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Sudan:-Way jiraan dad Soomaaliyeed oo Allaah ku manaystay aragti dheeri laakiin dadkaas soomaalida waa ku yar yihiin inta leh arag tidaasna lama dhagaysto oo inta badan soomaalidu waxay wax ku qaybsadaan ama ku go,aan qaataan waxa maalintaas u muuqda kaliya. Halka cadowga umada oo raba inaan soomaali waligeed dib u kicin mar walba qorshohoodu yahay sidii 10ka sano ama 20ka sano ee soo socda wax loo sii logayn lahaa ama qorshe hawleed kusaabsan burburka iyo dagaalada loosii dajin lahaa , mar walbana soomaalida ayaa ah aalada lagu fulinayo qorshayaashaas.

tusaale markuu qaboobay dagaalkii qabaailku oo ay kor u kacday awoodii islaamiyiintu cadawgu wuxuu dajiyey qorshihii islaamiyiinta laftigeedu u noqon lahaayeen aalad wadanka lagu burburiyo dagaalkana sii hurisa ayaguna ma fahmin ee waa fuliyeen dawrkoodii. Waxaa jirta maahmaah carbeed oo oranaysa (ما أشبه الليلة بالبارحة) oo macneheedu yahay maxaa caawa uga eg xalay waxaanad moodaa qodobka hadda la karkarinayo inuu yahay dagaalka maamul-goboleedyada.

1) nidaamkaan waxaa ku horeeyey gobolada bari iyo waqooyi inkastoo xasarado siyaasadeed iyo dagaalaba dheceen hadana talada oo shacabka iyo isimada gacanta ugu jirta ayaa ka badbaadisay goboladaas dagaalo lagu hoobto iyo burbur waase bunbo mar walba qarxi karta,inkastoo nidaamka Somaliland uu ka duwan yahay maamulada kale aragti ahaan.

2) waxaad moodaa shabaabka oo ah halka ay kusoo kufeen halgankii islaamiyiintu ahaana aaladii ugu burburinta badnayd ee nalaoo adeegsaday ayaa waxaa cadawga u muuqatay in umadii soomaaliyeed kasoo jeesatay, wiilashii la askaraynayeyna ka joogsadeen , mashruucoodiina uu kusoo afjarmay inay laayeen xataa ragii barnaamijka soo alifay oo iska lahaa, marka sida muuqata waxaa loo baahday cid dagaalada dardar galisa oo gashata shaar cusub oo dadku ku dagmo xamaasad cusubna galisa soomaalida.

3) inta badan maamul goboleedyada waxaa laga soo alifaa oo laga maalgaliyaa wadamada dibada, xafladohoodana waxaa lagu qabtaa magaalooyinka waa weyn ee reer galbeedka.

4) degmo kamida gobolada dhexe oo hada shabaabku joogo waxay leedahay sadex madaxweyne oo dibad joog ah oo diyaar u ah inay is qabsadaan marka shabaabka looga saaro, waxaa hada ka socoda Baydhabo, Kismaayo ilaa Marka waa tusaale fiican oo dagaalkaas horudhac u ah.tusaale gobolka shabeelaha hoose waxaa usbuucyadaan gudohooda loogu dhawaaqay inuu ka tirsan yahay sadex maamul-goboleed.

5) intaas iyo waliba xaqiiqooyin kale oo badan oo arinkaa tusinaya way jiraan , sida in dawladaha soomaaliya daneeya ay dhamaan maamul goboleedyadaas wada dhiirigaliyaan oo wada taageeraan ayagoo hadana leh dawlada federaalka waan aqoon sanahay , mawaysan na tusayn in dan laga lee yahay.

5) waxyaalaha cid kasta fahmi karto waxaa kamida: waqti dhow waxay warbaahintu sheegtay duplamaasi(safiir) ka socoda dawladaha reer galbeedka ugu tunwayn ayaa tagay gobol kamida gobolada maamulada laga dhisayo asagoo dawladii muqdisho aan soo marin, aan iswaydiinee markaan u noqono hab-dawladeedka muxuu safiir dal ajnabiya ka qabanayaa wadanka arimiisa gudaha, waxaad moodaa in xaaladu soo dhaaftay hay,adihii shaqadaas qaban jiray laakiin magacyada kale wadan jiray, waxaa taas kasii daran malafka(faylka) maamul-goboleedyada waxaa dawladaha dariska ah uga wakiil ah hogaanadooda sirdoonka.
hadaba goormay soomaalidu qaangaari doonaan oo fahmi doonaan dabinada loo qoolayo.

Ugu danbayn inkastoo sababaha keenaya maamuladaan ay kamid tahay soomaalidii oo kala aamin baxday hadana saasoo ay tahay saw ma haboona inaan maamulada dhisano oo bulshada uga faaiidayno, cadawga muraadkiisana aanan fulin oo ka dheeraano wax kasta oo soo dadajin kara dagaal iyo isku dhac.

Waxaa qoray Sh. Ahmed Dheeli
Awdheeli2000@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online