Maamulka Mu’asasada Al-mihaaj oo xaflad maamuusid iyo sagootin ah u qabatay Qoraa C/fataax Cajab[Masawiro]

March 25, 2014 - Written by Editor

IMG_9372Boosaaso:-Mu’asasada alminhaaj ee dacwada iyo horumarinta , ayaa xaflad sagootin iyo maamuusid u samaysay qoraa C/fataax Maxamuud Ducaale Cajab , xaflada lagu sagootinayo Qoraa C/fataax ayaa waxaa ka soo qayb galay Arday , culimaa’udiin , ganacsato , jaamacaddaha , maamulka iskuulda Boosaso , mas’uuliyiinta Mu’asasada al-minhaaj iyo marti sharaf kale .

Tababare C/fataax ayaa soo gabagabeeyay tababaro uu u qabtay Ardayda kale duwan ee dhigta Jaamacaddaha , Dugsiyada sare , Macaahida , Dugsiyada h/dhexe , Dumarada , Ducaada , Ururada bulshada , shirkadaha ganaacsiga qayb ka mid ah , booqashooyin daabuurka dugsiyada , muxaadiraad masaajida ah , kuwa idaacaddaha ah, tababaro shahaadi ah iyo bandhigyo shan buug ee uu qoray Tababare C/fataax Cajab , tababaradaan waxaa ka faa’idaystay ilaa 6000 qof (Lix kun oo qof).

Gudoomiye ku xigeenka Mu’assadda Al-minhaaj oo ugu horayn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in C/fataax Cajab uu mudo bil ah waday tababaro uu ka qabtay , jamaacaddaha , macaahida , iskuulada iyo qayba kale oo bulshada ah , tababaradaas ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 30 tababar wuxuu sheegay inay tababaradaas ay wada fulinayeen Mu’asasada AL-minhaaj , Mac-hadka Abuu hurayra iyo Ururka SADAR wuxuuna noqday mid si wanaagsan looga faa’idaystay.

Waxaa kale oo asna xaflada hadalka jeediyay qoraa C/fataax Cajab oo sheegay inuu ku faraxsanyahay maamuusida loo samayay iyo sagootinta , wuxuuna goobta ka jeediyay khudbad aad u qiima badan oo aadna u soo jiidatay ka qayb galayaashii taas oo ka hadlaysa horumarka iyo aqoonta.

Qaarka mid ah dadkii marti sharafkii ayaa sheegay inay si wayn uga faa’idaysteen tababaradii uu bixiyay qoraa C/fataax Cajab , waxayna ka codsadeen inuu soo laabto qoraagu , waxayna mahad balaaran ujeediyeen Mu’asasaada alminhaaj iyo cidkastoo gacan ka gaysatay fulitaanka tababaradaan .

Gudoomiyaha Mu’asasada al-minhaaj Max’ed Max’uud Ciise ayaa sheegay inay farxad u tahay inay ka faa’idaysteen aqoonta tababaraha , wuxuu kaloo sheegay inuu tababaruhu dib ugu laabanayo dalka Masar oo uu horay uga yimid , sidoo kale Max’ed Max’uud Ciise ayaa sheegay in tababaruhu shaqooyin kasoo qaban doono magaalooyinka Qardho iyo Garoowe , waxaa kale oo uu xusay in gudiyaddi la shaqayn lahaana ay diyaarsan yihiin .

Gunaanadkii xaflada ayaa ka soo qayb galayaashii oo u badnaa dadkii ka faa’idaystay tababaraan waxaa loo samayay su’aalo waydiin lagu bixinaayay abaal marin su’aalahaas oo ku saabsanaa tababaradii ay horay u qaataan , waxayna mu’asasadu gudoonsiisay ardaydii ka jawaabtay abaal marin.

Waxaa kale oo qoraaga ay Mu’asasadda Al-minhaaj gudoonsiisay Shahaado sharaf ,sidoo kale ayna waxaa shahaado kale gudoonsiiyay Ururka SADAR oo sheegay inuu xubin ka mid ah uu yahay sida uu sheegay ustaad Max’ed Khaalid oo asagu gudoonsiiyay shahaadada ururka SADAR.

no images were found

Si kastaba qoraa C/fataax Maxamuud Ducaale Cajab oo ah nin dhalinyaro ah ayaa qoray buugaag badan oo waxtar u leh bulshada soomaliyeen wuxuuna wax ku bartay dalka Masar .

Mu’asasadda Al-minhaaj
Boosaaso, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online