Madaxweyanaha Dowlada Puntland oo Casho sharaf u sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska DFS(Masawiro)

March 16, 2014 - Written by Editor

1123Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin C/llahi Cumar Camay ayaa aqalka madxtooyada Garowe kulan casho sharaf ah habeenimadii xalay ugu sameeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Saacid.

Kulanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda amniga Xasan Cismaan Alloore,Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Max’ed Siciid Jaqanaf, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin iyo xubno iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Boolika Puntland.

Casho sharafta kadib ayaa waxaa uu madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah Gen. Saacid iyo weftigii uu hogaaminayey, waxayna si adag uga arrinsadeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyntahay adkaynta ammaanka, xoojinta xiriirka ciidanka Soomaliyeed oo dhan, kala qaadashada xogaha kala duwan si difaac adag looga galo cid kasta oo isku dayi karta khal khal galinta amaanka iyo degenaanshaha waddanka.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay xaaladda amaan ee Puntland, qaabka ay u shaqeeyaan ciidanku, baahiyaha ciidan ee taagan iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dhinaca kale saraakiisha amaanka dawlada Puntland ayaa dhankooda waxay sheegeen in wada shaqaynta iyo kala war qadashada ciidanka dalka oo dhan ay tahay mid faa’iido weyn ay ugu labada dhinacba taasina ay muhiim tahay in la iska kaashado.

Sidoo kalena waxay ku tiiq tiiqsadeen in dawlada Puntland ay diyaar u tahay adkaynta iyo kobcinta xiriir wada shaqayneed oo ay la yeelato Dowladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana dhanka ciidanka iyo tallabooyinka lagu adkaynayo ammaanka gobolada Soomaaliya oo dhan.

no images were found

Waxyaabaha kale ee diirada la saarayna waxaa ka mid ahaa la dagalanka Al-shabab oo beryihii danbe dagaal adag lagu qaaday , deegano ay joogeena laga qabsaday, waxaana la qiray in kooxda Al-shabab ay la kulmayeen mudooyinkii danbe dhabar jab xoog leh, taasina ay kallifayso inay ku firxdaan dalka intiisa kale.

waxaa iyadana isfahan lagayeeshay in wacyigelinta ay muhiimad gaara u leedahay xoojinta amniga, islmar ahaantaana loo baahan yahay in  bulshada Puntland amuurtaasi si wanaagsan loogu iftiimiyo.

Gen. Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka mahad celiyay qaabilada wanaagsan ee masuuliyiinta Puntland ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay si adag uga dhisan tahay dhinaca ciidanka, balse loo baahan yahay in hore loo socdo.

Gen.  Saacid waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin wada shaqayn adag oo ay yeeshaan ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo ciidanka Dowladda Puntland, maadaama xiligan la gudagalay xaalado adag oo u baahan in si gaar ah loola socdo.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen.  Saacid waxa uu arrin muhiim ah ku sheegay la dagaalanka Al-shabab iyo la socoshada firxadkooda maadaama looga guulaystay lagana qabsaday dhul badan oo ay haysteen oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY oo ku taalla magaalada Carmo ee Gobolka Bari  isla markaana ay kasoo bexeen ciidan aad u fara badan oo xiligan ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xaruntaasi si looga soo saaro ciidamo soomaaliyeed oo qaba tababaro casriya.

Isla mar’ahaantaana  ay lagama maarmaan tahay hir galinta iyo hagaajinta Kulliyaddaas si loogu diyaariyo inay noqoto Jaamacad Gaar u ah ciidanka Soomaliyeed lagan soo saaro  ciidan kale oo dheeraad ah kuwaas oo  tayo iyo aqoon u leh shaqadooda ciidan.

Wafdiga General Saacid uu hogaaminayo ayaa waxay booqan doonaan xarunta tababarada ciidamada ee magaalada Carmso , si ay usoo arkaan dhismaha Kulliyadda taba barada ciidanka ee CARMO ACCEDAMY, welibana ay xogo dheerada uga helaan baahiyaha asaasiga ah ee halkaasi ka jira.

DHAMAAD
Xafiiska Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online