Madaxweynaha DFS oo booqdey Dekadda magaalada Yokohama ee dalka Jaban (Masawiro)

March 12, 2014 - Written by Editor

IMG_2620Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Jaban ayaa maanta tegay  Dekadda magaalada  Yokohama ee Dalka  japan.

Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo  tegay xarunta ciidamadda  Ilaalada Xeebaha dalka Japan ee ku taala gudaha  Dekadda  ayaa halkaasi warbixin ku aadan qaabka loo tababaro ciidamada  iyo sida ay u howlgalaan ku siiyeey saraakiisha ciidamada  ilaalada Xeebaha dalka Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta booqday  Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan  doorano meelaha  aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaalia waxay leedahay  xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu.

no images were found

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, Wakiilka Dowladda Japan u qaabilsan Wadamadda Afrika, Xildhibaano ka socday Dolwadda Japan iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Japan.

DHAMMAAD

Shador Haji Mohamud
Press Officer
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online