Madaxweynaha DFS oo kulan xasaasi ah la qaatay Masuuliinta gobalada Sh Hoose .Sh Dhexe iyo Banaadir

March 10, 2014 - Written by Editor

IMG_2237Muqdisho:-Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Gobolada Dalka. Waxaana goob joog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullahi Godax Barre iyo mas’uuiliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyeyaasha Gobollada waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Galgadud Hussein Cali Weheliye (Cirfo), Guddoomiyaha Bay Cabdi Adam Hoosow, Guddoomiyaha Jowhar Cadi Jiinow Calasow, Guddoomiyaha Banadir Xasan Maxamed Xuseen Mungab, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose Cabdulqadir Maxamed Nur (Siidii)

Madaxweynaha oo la hadlayey Guddoomiyeyaasha ayaa yiri “Waxaa socda Holwgal kooxaha nabad-diidka ah looga saarayo goobaha ay joogaan, si dadka deegaanka loo siiyo fursad loogu adeego oo ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana maamulada gobolada looga baahanyahay inay la yimaadaan maamul wanaag, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor ah.”

no images were found

“Qorsheyaasha dowladda ayaa ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhaqangeliyo nidaamka Federaalka iyo in dalka laga hirgaliyo nidaamka dimoqraadiyada oo dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan. Si taas loo gaaro waa in maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay noqdaan kuwo u adeega bulshada, la yimaada maamul wanaag. Sidoo kale goobaha laga saaro kooxaha nabad-diidka ah waa in si deg deg ah loogu gurmadaa shacabka oo loo helaa gar-gaar baini aadanimo iyo in loo helo adeegyada aasaasiga ah, si dadku u dareemaan faa’iidada dowladnimo iyo
horumar.”

– DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online