Madaxweynaha DFS oo la kulmay wufuud ka socta QM ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD
March 6, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay wufuud caalami ah oo ka kala socota QM ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya waxaana ay ka wada hadleen amaanka magaalada Muqdisho ,mowqifka DFS shirarka ka socda magaalada Baydhabo iyo heshiiskii dhexmaray Maamulka Juba iyo DFS.
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo wufuuda ka socota QM ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD ayaa waxaa looga hadlay amaanka magaalada Muqdisho mowqifka DFS ee shirarka ka socda Baydhabo iyo xiriirka Maamulka Juba iyo DFS waxaana wufuudu ay taageertay mowqifka DFS ka qaadtay shirarka ka socda Baydhabo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday wuxuu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka iyada oo xooga la saaray arimaha Amaanka.
Ergayga IGAD ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Maxsamed Cabdi Afeey oo isagana saxaafada la hadlay ayaa sheegay in DFS ay garab taagan yihiin mar waliba,isaga oo balan qaaday taageero dhinac walba ah
no images were found
Danjire Maxsamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in DFS iyo IGAD ay ka wada hadleen sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen DFS iyo Maamulka Juba oo uu madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe
A/Cawale
Halgan.net