Madaxweynaha DFS oo maanta furay Kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka JFS.

March 22, 2014 - Written by Editor

IMG_1907Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka, isla markaana ka jeediyey Khudbad taariikhi ah oo uu ku yiri xildhibaanada sharafta leh in loo baahanyahay in caqabadaha jira aan si midnimo iyo wadajir leh uga gudubno.

Madaxweynaha ayaa ku yiri xildhibaanada “Waxaan idinkugu hambalyeynayaa in maanta uu Kalfadhigii 4aad idiin furmayo. Waxaa lajoogaa Waqtigii waxbaadka. Sanadkan 2014 waxaa na horyaalla dib-u-eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo bilaabidda nidaamka Dimoqraadiyadda, si aan u gaarno ujeedadeena ah inaan hirgelino doorasho ka dhacda dalka 2016.

Madaxweynaha ayaa xildhibaana siiyey warbixin la xiriirta howlgaladaciidamada oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab oo la baacsaday, laakin weli keeni kara khatar nooga baahan inaan dalka ka sifeyno.

“Maalin walba waxaan ka saarnaa kooxaha nabad-diidka ah goobo muhiimah oo shacabku ay heleen neecaw nabadeed. Waxaana bilownay gar-gaarbani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gargaar lala gaaro shacabka deegaanada la xorreeyo, maamulo KMG ah loo sameeyo, hirgelinta hay’adaha amniga iyo garsoorka, maamul wanaag iyo adeegyada bulshada si shacabku ay aayahooda uga tashadaan.”

“Dib-u-habeynta maamulka iyo maareynta maaliyadda ayaa si habsami leh u socda. Hanti Dhowrka Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud ayaan magacownay oo ku yimid nidaam cad-cad oo tar-tan furan ah oo ay World Bank gacan naga siisay. Golaha Wasiiradu waxey dhowaan ansixiyeen sharicigii tariifada canshuuraha oo baarlamaanka loo soo gudbiyey kaas oo wax weyn ka tari doona kobcinta dhaqaalaha dalka, si aan uga maarano kaalmada shisheeyo oo aan isugu tashano dhaqaale ahaan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan howlaha muhiimka noo wada ah. “Caqabado fara badan baa jira oo wadashaqeynta hay’adaha dastuuriga looga baahan yahay wadashaqeyn buuxda oo loo baahan yahay dulqaad, is-faham iyo tanaasul ay lama huraan u tahay siyaasada dalka. Waxaana idinka codsanayaa in dhammaanteen laga wada shaqeeyo danta guud iyo maslaxadda qaranka.”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’antahay in lala yimaado waxqabad, isla xisaabtan iyo horumar ballaaran, si aan u hirgelino qorshaha dowladda oo ah in doorashooyin la qabto sanadka 2016.”

DAHMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online