Madaxweynaha DFS oo xilka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir
March 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xilka looga qaaday guddoomiye ku xigeenadii hore ee Gobolka Banaadir iyo weliba xoghayihii Gobolka, iyadoo xilalkaas la magacaabay xubno cusub.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa loogu magacaabay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenadii Gobolka Banaadir Kamaalu’din Daahir Xassan, halka gudoomiye ku xigeenadii dhinac siyaasada iyo arrimaha bulshada ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Cali Maxamuud Guure.
Hoos ka akhriso wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud
no images were found
A/cawaale
Halgan.net