Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Baydhabo

March 30, 2014 - Written by Editor

xassanBaydhabo:-Wafdi uu horkacayo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana socdaalkiisa ku weheliya Wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo waxaana si weyn ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay u adkeeyeen amaanka Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka socda xiisad siyaasadeed iyo Maamulo kala duwan oo looga dhawaaqay magaalada Baydhabo taas oo khalkhal galisay amaanka magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha DFS  Xasan Sh Maxamuud inta uu joogo magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaadan doono  mas’uuliyiinta gobolka, saraakiisha ciidanka, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada iyo saraakiisha ciidanka AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online