Madaxweynaha Dowladda Puntland oo qaabilay wafdi uu horkacayo Safiirka Turkiga.[Masawiro]

March 6, 2014 - Written by Editor

316Khamiis 06 March, Garowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowladda ayaa maanta ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Garowe wafdi sare oo ka socday dalka Turkiga uuna horkacayay Safiirka Somalia u fadhiya Amb. Kani Touran.

Saraakiil iskugu jirtay Gaashaandhiga iyo Bisha Cas ayaa wehelinaysay, waxana haween calamada Puntland & Turkiga watay garoonka si heer sare ah ugu soo dhoweeyeen wafdiga oo xubnihiisu kor u dhaafayeen 20 qof.

Isbitalka Garowe ayaa ugu horeyn la tagay halkaasi oo warbixin kooban ay ka qaateen sarakiisha caafimaadka oo ku saabsan baahiyaha jira iyo qaabka gacan Turkigu uga gaysan karo fidinta gargaar caafimaad.Madaxweynaha iyo safiirka ayaa ka dib intaasi si wadajir ah u dhagax dhigay Iskuulka Farsamada Gacanta oo Turkiga dhisayo.

Iskuulka Gambool iyo jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ayaa wafdigu booqday sidoo kale halkaasi oo balan qaad horumarinta waxbarashada ah ay u gudbiyeen wasiirka waxbarashada. Xarunta Madaxtooyadda ayaa shir labada dhinac u dhaxeeyay lagu qabtay kaasi oo uu sheegay madaxweynaha Puntland in lagu heshiiyay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Madaxwaynaha ayaa ku amaanay dowladda Turkiga inay tahay dalka keliya ee wax-qabadka dhabta ah ka fuliya Somalia tan iyo burburkii, waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Isbedelkii Muqdisho ka sameyeen Turkigu laga hirgelin karo Puntland.

no images were found

Safiirka Turkiga ayaa isna ka hadlay dhinacyada ay wax ka qabnayaan Puntland oo uu sheegay inay yihiin Gargaarka Bini’aadanimo, Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo deeqaha Waxbarsho.

Waxa uu raaciyay in Muqdisho ay ka soo bilaabeen dib u dhiska dalka , haatana u gudbeen qaybaha kale isagoo ku daray in si cadaalad ah Turkigu uu wax ku qaybin doono. Madaxweynaha Puntland ayaa gudoonsiiyay safiirka ka dib qado sharaf loo sameeyay Hadiyado ay Puntland caan ku tahay sida beeyada, Maydiga iyo Aaragoosto.

Ugu danbeyntii Galabta ayaa dib wafdigani ugu noqdeen magaalada Muqdisho, waxana ku sii sagootiyay Garoonka madaxda ugu sareysa Puntland iyagoo Turkigu ka mahadceshay soo dhoweyntii loo sameeyay.

Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online