Madaxweynaha dowladda Puntland oo u dhoofay dalka Jabuuti
March 10, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka waxaa uu safar aan horay loo shaacin uu ugu dhoofay Jabuuti isagoo sheegay in casumaad rasmi ah uu ka hellay dowladda Jabuuti. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay tahay dowladd walaalaheen ah oo caawinaysay shacabka Soomaaliyeed ee uu ku dhacay burburka dowladdee waxaaa ay hiil iyo hoo ay mar walba la taagnay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa xusay in dalka Jabuuti uu joogi doono mudo 3 ilaa 4 cisho ah isagoo kulamo la qaadan doona madaxda ugu saraysay ee dowladda Jabuuti isagoo kala soo hadli doono xiriir u dhexeeya Puntland iyo Jabuuti siddii loo horumarin lahaa.
Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sii sagootiyay Madaxwayne ku xigeenka Puntlad Eng. Cabdixakiin Camay,Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan iyo xubno ka tirsan labada Gole ee xukuumadda Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net