Madaxweynaha dowladda Puntland oo u dhoofay dalka Jabuuti

March 10, 2014 - Written by Editor

gaasGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka waxaa uu safar aan horay loo shaacin uu ugu dhoofay Jabuuti isagoo sheegay in casumaad rasmi ah uu ka hellay dowladda Jabuuti. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay tahay dowladd walaalaheen ah oo caawinaysay shacabka Soomaaliyeed ee uu ku dhacay burburka dowladdee waxaaa ay hiil iyo hoo ay mar walba la taagnay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa xusay in dalka Jabuuti uu joogi doono mudo 3 ilaa 4 cisho ah isagoo kulamo la qaadan doona madaxda ugu saraysay ee dowladda Jabuuti isagoo kala soo hadli doono xiriir u dhexeeya  Puntland iyo Jabuuti siddii loo horumarin lahaa.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sii  sagootiyay Madaxwayne ku xigeenka Puntlad Eng. Cabdixakiin Camay,Gudoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan iyo xubno ka tirsan labada Gole ee xukuumadda Puntland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online