Madaxweynaha JFS oo u dhoofay dalka Kuweyt
March 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaami nayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Kuweyt.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu dalka Kuweyt uga qayb galay shir madaxeed ka dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmi doona dalka Kuweyt. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Xildhibaano ka tirsan Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku sii sagootiyey gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net