Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo xalay kulan la yeeshay Nicholas Kay
March 20, 2014 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan kula yeeshay hoyga uu ka degan yahay magaalada Nairobi Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q M ee Somalia Nicholas Kay.
Madaxweynaha Juba iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q M ee Somalia Nicholas Kay ayaa waxaa y ka wada hadleen sidoo loo dhameystiri lahaa nidaamka Federaalka iyo amaanka guud ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo iyo dhameystirka heshiiskii DFS iyo Maamulka Juba.
Madaxweynaha Maamulka Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa waxaa sidoo kale uu kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nairobi madax iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Kenya iyo safiirada Kenya u fadhiya wadamada Yurub.
Madaxweynaha Maamulka Juba ayaa waxaa ay ka wada hadleen danjirayaashii uu la kulmay sidii Maamulka Juba looga taageeri lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo arimaha amniga .
Cabdi Yare
Halgan.net