Madaxweynaha Maamulka Juba oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya
March 4, 2014 - Written by EditorAddis ababa :-Wafdi uu horkacayo Madaxwaynaha mamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom.
Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa waxaa ay ka wada hadleen heshiiskii ay Addis ababa ay ku wada gaareen DFS iyo Maamulka KMG ee Juba taas oo wax badan oo ka mid ah uu fuli waayey .
Wafdiga Maamulka KMG ee Juba iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen qaabkii loo horumarin xiriirka ka dhexeeya dowlada Itoobiya iyo Maamulka Juba.
Ilaa hataan lama yaqaan wax ka soo bixi doona kulanka ay maanta Addis ababa ku wada qaateen wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Juba iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom.
Dhanka kale waxaa magaalada Kismaayo la filayaa in lagu qabto shirwayne dib u heshiisiin kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan waxgaradka iyo cuqaasha gobalad Jubbooyinka iyo Gedo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa caawa casho sharaf u sameeyey wafdiga uuu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaana socdaalkiisa ku weheliya madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubaland Suldaan Cabdiqaadi lugadheere,wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo amniga Cabdirashiid .
Cabdi Yare
Kismaayo